Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee SSC oo furin dagaal Somaliland kaga furtay dhanka Tuulo Samakaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoogag ka tirsan SSC-Khaatumo oo aad u hubaysan ayaa saaka nawaaxiga Tuulo Samakaab kaga sii siqaya jidka Laamiga ah ee Laascaanood iyo Oog.

Xoogaga SSC-khaatumo oo ka soo ruqaansaday dhinaca Dhabansaar shalay dusha ka maray ciidamo ka tirsan Somaliland oo isku dayay in ay ka hor istaagan dhanka laamiga.

Kadib dagaal xooggan oo labada dhinac dhexmaray ayay ciidamada Somaliland u carareen dhinaca Tuulo Samakaab halkaas oo ay hadda dul fadhiyaan cutubyo ka tirsan SSC.

Furinta dagaal ee aagga Tuulo Samakaab ayaa gebi ahaanba soo geba-gabaysay marinkii taakulada ciidamada Somaliland ee Laamiga Oog iyo  Laascaanood.

Sidoo kale maleeshiyaad uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe oo la socda ciidamada Somaliland ee ku sugan Tuulo Samakaab ayaa qaarkood u goostay dhinaca SSC sida laga soo xigtay dadka degaanka.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee SSC oo furin dagaal Somaliland kaga furtay dhanka Tuulo Samakaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this