Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilka M/weynihii hore ee Puntland Khadar Faroole oo beeniyey inuu ku lug leeyahay shaqaaqadii ka dhacday Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiilka M/weynihii hore ee Puntland Khadar Faroole oo beeniyey inuu ku lug leeyahay shaqaaqadii ka dhacday Garowe

Khadar Faroole

Maamulka goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya inay ka dambeysay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Garowe.

Iska hor imaadkan ayaa waxa uu dhex maray ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland iyo ciidamo taabacsan siyaasiin mucaarad ah. Isku dhaca ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid hantiyeed.

Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Puntland Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo la hadlayay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in shaqaaqada xalay dhacday uu ka dambeeyo madaxweynaha Soomaaliya, si gaar ah wuxuu ugu eedeeyey ergayga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan maalgashiga iyo Ganacsiga Khadar Cabdiraxmaan Faroole.

Ergayga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan maalgashiga iyo Ganacsiga, Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa iska fogeeyey eedeynta uu u soo jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa, wuxuuna ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this