Sign in to follow this  
Deeq A.

Kolonyo baabuur Maraykan ah oo lagu weeraray dalka Nigeria

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley ayaa weerartay kolonyo baabuur Mareykan ah oo marayey gobolka Anambra ee Koonfurta Bari ee Nigeria Talaadadii, sida ay sheegeen booliska iyo sarkaal Mareykan ah, ayaga oo dilay afar qof, saddex kalena afduubtay.

Koox gooni u goosad ah oo ka howlgasha gobolka ayaa sanadihii dhowaa xoojiyey weerarada ay halkaas ka fuliyaan, ayaga oo inta badan beegsada xarumaha booliska iyo dowladda.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kibry oo weriyayaasha kula hadlay Washington DC ayaa xaqiijiyey weerarka.

“Kolonyo baabuur Mareykan ah ayaa la weeraray. Waxa aan idiin xaqiijin karo ayaa ah inuusan la socon muwaadin Mareykan ah,” ayuu yiri Kirby.

Ciidamo isku dhaf ah ayaa goobta la geeyey, sida uu sheegay Tochukwu, hase yeeshee dabelyda ayey u suurtagashay inay afduubtaan laba sarkaal oo boolis ah iyo darawal.

PUNTLAND POST

The post Kolonyo baabuur Maraykan ah oo lagu weeraray dalka Nigeria appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this