Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Booqo Uga Bilaabatay Dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo 2 maalmood ah.
Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulammo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.
 Labada dal ayaa Sidoo kale, ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this