Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta heshiisyo lagu saxiixayo QATAR iyo Xasan Sheekh oo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   
346804194_550008730638910_11767721566836

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa waxaa caasimada dalka Qatar ee Dooxa uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo laba maalmood ah, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa waxa uu la qaadan doona kulamo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay shaacisay in madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa inta uu halkaasi ku sugan yahay waxay labada dal ka arrinsan doonaan iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Dhinaca kale, Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore.

Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxay xukuumadda Dooxa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa in uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka deriska ee haatan la’isku yiraahdo dalalka safka hore.

346819193_266315285762427_51553045936205

347088623_201537052758707_55106192122437

346804194_550008730638910_11767721566836

347099072_908415580458468_41977559101049

The post Xogta heshiisyo lagu saxiixayo QATAR iyo Xasan Sheekh oo gaaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this