Sign in to follow this  
Jacaylbaro

IRAN SPEAKING ABOUT SOMALIA

Recommended Posts

Mogadishu 25, April.07 ( Sh.M.Network) Dowladda Iran ayaa ku eedeeysay dhibaatooyinka ka jira dalka Somalia fara galinta dalalka dariska la ah ay ku sameeyeen gudaha dalka Somalia.

 

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Iran Max'ed Cali Xuseen oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Iran ayaa sheegay in dowladiisa ay si aad ah uga xun tahay qasaaraha nafta iyo maalka leh ee ay geysteen dagaalada maalintii 7aad ka soconaya caasimadda Somalia.

 

Waxa uu tilmaamay in arimahaan oo idil ay ugu wacan yihiin fara galinta ay ciidamada shisheeye ku hayaan dalka Somalia.

 

Waxa uu sheegay in jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran ay ugu baaqeyso dhinacyada ku loolamaya siyaasadda Somalia in ay joojiyaan xasuuqa iyo dhibaatada ay ka wadaan dalka Somalia.

 

Alxuseeni ayaa waxa uu sheegay in burburka baaxadda leh iyo dhimashada badan ay sabab u yihiin dagaalada sii xoogeysanaya, isagoo ugu baaqay beesha caalamka in ay soo fara galiyaan mashaakilka ka aloolsan dalka Somalia si loo yareeyo dhinaatooyinka dadka rayidka ah la gaarsiinayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this