Deeq A. Posted May 16, 2023 Bishan 28-keeda ayaa lagu ballamay in musharraxiinta madaxtinnimada ay isla aadaan wareeg labaad, taasoo Turkiga u oggolaan doonta inuu go’aansado in Erdogan uu xukunka sii hayo mar kale, amaba in la tijaabiyo Kemal Kilicdaroglu oo isagu sheeganaya inuu dimuqraaddiyad ballaaran ku soo dabbaali doono dalkaas. Sanadihii hore, ololaha doorashada Erdogan wuxuu ahaa mid aad u adag, balse doorkan waxay dadka qaar sheegayaan in codbixiyeyaashu aysan aad u qanacsaneyn. Erdogan si uu codbixiyeyaasha usoo jiito wuxuu markan kordhiyay lacagaha gunnooyinka isagoo hoos u dhigay qiimaha korontada iyo gaaska. Codbixiyeyaasha qaar waxay aaminsan yihiin in wareeggan labaad ee doorashada ay xoojin doonto dimuqraadiyadda Turkiga iyadoo Erdogan xusuusineysa muhiimadda ay leedahay qancinta codbixiyeyaasha. Dadka qaar waxay sheegeen inaysan dhib ku qabin inay mar kale codeeyaan, halka kuwo kalena aysan ku qanacsaneyn Source Share this post Link to post Share on other sites