Deeq A. Posted May 16, 2023 Wararka Maanta oo Koob-kooban. 1 . Dagaal khasaare geystay ayaa Ciidamada Somaliland & Kuwo SSC-Khaatumo ku dhexmaray deegaano kala duwan oo dhaca Bariga & Galbeedka Gobolka Sool,Khaas ahaan deeganka Dhaban-Saar oo 25 KM koonfur kaga beegan tuulo Samakaab . 2. Garoomada Diyaaradaha Puntland ayaan wax diyaaradi maanta ka degin kadib markii xalay Ciidamada Puntland iyo kuwa mucaaradka daacad u ah ku dagaallameen Garoowe khasaarena ka dhashay. 3 ugu yaraan Xoggaha la helay hal qof ayaa ku dhintay,Dhaawacyona waa jiraan shaqaaqo laba Beeleed ku dhexmartay Degaano dhaca Hawdka gobolka Togdheer iyadoo shalayna Nin dhintay. 4 Madaxweyne Biixi ayaa Safar Qarsoodiya Burco ku tegay waxana halkaa uga socda Kullamo Gaargaara.Madaxweynaha waxaa kaga sii horeeyey magaalada Burco wafti wasiiro ah oo uu hogaaminaayo wasiirka arimaha guduhu . Qaran News Share this post Link to post Share on other sites