Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Puntland police cracks down on Pirates

Recommended Posts

zBilays1l.jpg

 

Ciidanka bilayska Puntland oo weeraray fariisimo burcad badeed & tahriibayaal, xiray 80 ka mid ah, soona bandhigay gaadiidkoodii iyo hubkoodii.

Bossaso, May 18 - Hawlgal amni oo ay ciidanka bilayska Puntland ka fuliyeen fariisimo looga shakisanaa in ay saldhig u yihiin burcad badeeda ka ugaarata xeebaha Somaliya ayaa ay ku soo qabteen sideetameeyo ka mid ah burcad badeeda, tahriibayaal, iyo dambiilayaal kale.

 

Laashah, gawaari, iyo hub fudub oo laga soo qabtay meesha loo yaqaan Mareera oo bilaysku uu weeraray maanta ayaa lagu soo bandhigay bartamaha magaalada Bossaso. Dad iyana la sheegay in ay yihiin tahriibayaal ayaa iyana la soo qabtay. Kuwa kale oo falal dambiyeedyo kale faraha kula jira ama sitay hub fudub oo sharci darro ah ayaa iyana la soo qabtay.

 

Maxaabiista la qabtay ayaa loo dhaadhiciyey xabsiyada magaalada Bossaso, sida bilaysku sheegayna maxkamad loo dhaadhicin doono, laguna soo oogi doono dabiyada ay galeen.

 

Ku xigeenka taliyaha ciidanka bilayska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay saxaafada, una soo bandhigay hub iyo gaadiid uu bilayska soo qabtay kaas oo la sheegay in si sharci darro ay magaalada ulka dhex marayeen dad shacab ah oo sida taliyuhu sheegay loo taxaabay xabsiyada magaalada.

 

Md. Jaqanaf oo tafaasiil ka bixiyey hubka fudud iyo gaadiidka uu bilayskau qabtay ayaa sheegay in ay qabteen 22 bistooladood, 2 qori oo RBG 7 ah iyo rasaastoodii, 6 gaari, 4 laash oo nooca dheereerya ah loona adeegsado tahriibka iyo fulinta hawlaha burcad badeednimada ah.

 

Mar uu ka hadlay maxaabiista ay qabteen ayaa Md. Jaqanaf waxaa uu sheegay in ay xireen in ka badan 80 maxbuus oo isugu jira burcad badeed, tarhiibayaal, iyo kuwa galay dambiyo kale sida tuugo, dagaal iwm.

 

Md. Jaqanaf ayaa ugu baaqay dadka reer Bossaso in ay gacan siiyaan blayska, ciidanka roondada ahna ay u arkaan in ay yihiin kuwo u adeegaya bulshada, gudanaya waajibaadkooda, una taagan maslaxada ummadda. Waxaa uu ammaan u jeediyey taliyaha ciidanka bilayska Bossaso, saraakiisha iyo ciidanka bilayska gobolka Bari.

 

Guddooomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle Yusuf oo isna ka hadlay hawlagalka ay ciidanka bilaysku fuliyeen ayaa ugu baaqay shacabku in ay gacan ka gaystaan hawlgalada amniga ee uu ciidanka bilayska wado, ayna ogaadaan in hawlgaladu ay socon doonaan inta laga sugayo amniga gobolka.

 

Md. Geelle waxaa uu sheegay in iyaga oo hirgalinaya qorshaha amni ee dawlada Puntland in ay sii wadi doonaan hawlgalada amni, lana cirib tiri doono tahriibka, la ugaarsan doono burcad badeeda, lagana jaasa marin doono falal damniyeedyada ay ku kacaan.

 

Hawlago kuwan la mid ah oo lagu adkaynayo amniga ayaa bilayska Puntland ay ka wadaan magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo, ayna ku soo qabteen dambiilayaal dhaawac u gaystay amniga ay Puntland caanka ku tahay, dadweynaha Puntland-na ay khaati ka istaageen.

 

Shacabka Puntland ayaa aad u soo dhaweeyey hawlgallada amni ee ciidanka bilayska Puntland ay ka wadaan gobollada Puntland.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

IMG_2266.jpg

 

Somalia: Puntland nabs 15 pirate suspects, seizes 5 boats

18 May 18, 2009 - 3:39:29 PM

 

BOSSASO, Somalia May 18 (Garowe Online) - Police authorities in Somalia's northeastern region of Puntland have arrested 15 suspected pirates and seized five boats in police raids in recent days, Radio Garowe reports.

 

Col. Osman Hassan "Afdalow," the new police commander in Bari region, told Radio Garowe that police units raided a location near the coast in the port city of Bossaso where they seized five speed-boats.

 

H e indicated that the police seized two vehicles at the scene.

 

"One of the vehicles was transporting gas for the speedboats and we found a rocket launcher in the second smaller vehicle," Col. Afdalow said.

 

Separately, Puntland police chief Col. Muse "Joqrafi" Ahmed told reporters that the police force has been conducting anti-piracy operations on land in recent weeks.

 

He stated that 15 men suspected of being involved in pirate attacks were arrested in Bossaso and will be brought to court soon, while noting that anti-piracy operations are taking place in many towns including Galkayo and Garowe, the capital of Puntland.

 

Dr. Abdirahman Mohamed "Farole," the president of Puntland, has vowed to fight against pirates on land and has appointed new police commanders after years of police corruption and ineffectiveness.

 

The police command has been centralized across Puntland and all police divisions now come under the authority and control of the police chief.

 

Since 2007, Puntland-based pirates have been responsible for maritime attacks on vessels using the important Gulf of Aden passageway into the Indian Ocean.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlgalo lagu qabtey burcad badeed & Tahriibayal

18 May 18, 2009 - 2:05:51 AM

 

Howlgalo ciidamada amaanka DGPL ka sameeyeen magaalada Bosaso maalmihii lasoo dhaafey ayaa waxaa lagu soo qabtey dad lagu tuhunsan yahay iney ku lug lahaayeen falal burcad badeed-nimo iyo Tahriibayaal.

 

Talaabooyinkaan ciidanka amaanka gobolka Bari ku qaadeen xarumo kooxahaan ku lahaayeen dhul xeebeed ku yaala duleedka magaalada Bosaso maalintii shaley ayaa lagu soo qabtey 5 doonyood oo ah kuwa dheereeya kuwaasoo loo adeegsado falalka burcad badeednimada islamarkaana lagu daabulo dadka ka tahriibaya xeebaha Puntland.

 

Taliyaha qaybta gobolka Barri oo la hadley warsidaha GO ayaa u sheegey in sidoo kale isla goobtaas ku soo qabteen gaari kuwa xamuulka qaada ah oo sida shidaal la rumeysan yahay in loo isticmalaya doonyaha lagu fulinayo falalka burcad badednimo ee ka dhaca xeebaha Puntland halka la qabtey gaari yar oo sida qoriga loo yaqaan Bazuukaha.

 

Dhinaca kale taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegey in howlgalada laga qabtey magaalada Bosaso maalmihii la soo dhaafey lagu qabtey dad lagu tuhunsan yahay in falal burcad badeednimo ku lug leeyihiin kuwaasoo tiradooda gaareyso ilaa 15 qof.

 

Howlgaladaan ciidamada amaanka qaadeen ayaa sidoo kale ka socda magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo kuwasoo dadweynaha ku nool soo dhoweeyeen laguna soo qabqabtey dad lagu tuhun sanyahay iney dambiyo kala duwan ku jireen.

 

Madaxweynaha DGPL oo dhowaan isbadal weyn ku sameeyey taliska ciidanka Booliska kadib markii uu magaacaabey Taliyaha ciidanka Booliska, Taliye-yaasha qabahaya gobolka Nugaal, Bari iyo Mudug.

 

Xukumada Puntland ayaa tan iyo xilk aqabtey ku guuleysatey iney mideyso dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga kadib markii lagu soo ururshey awoodooda Taliyaha ciidanka, ku-xigeenkiisa iyo Taliye-yaasha qaybaha taasoo wax weyn ka badashay hib-sami u socodka howlaha amni sigida ee gobolada hoos yimaada Puntland.

 

Maamulka uu madaxda ka yahay Dr. Faroole ayaa sidoo kale ku guuleystey inuu bixiyo mushaharaadka ciidamada iyo raashinkooda afartii bilood ee lasoo dhaafey.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: " Waxaanu qabaney Kooxo Burcad badeed ah iyo hubkoodii" Gudoomiyaha gobalka Bari.

19. maj 2009

 

Boosaaso(AllPuntland )- Gudoomiyaha gobalka Bari Muuse Geelle Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in ay qabten rag ka tirsan Kooxaha burcad badeeda ah ee dalka Soomaaliya ka qawleysta Biyaha dalka Soomaaliya & kuwa ka shisheeya.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay soo qabteen rag gaaraya 4 nin iyo dhamaanba adeegyadii ay ku gali lahaayeen Biyaha Soomaaliya, isagoo sheegay in ay hada su'aalo weydiinayaan ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso.

 

Gudoomiyaha ayaa cadeeyey in ay bilaabeen howlgalo ay uga soo horjeedaan Kooxaha burcad badeeda ah ee dhibaatada ku haya deegaanada Puntland, wuxuuna sheegay in ay dhamaanba soo qaban doonaan kooxaha burcad badeed ah.

 

" Dhamaanba waanu la dagaalamaynaa Burcad badeeda, kuwa cusub oo aanu ku tuhmayno Burcad badeeda ayaan soo qabanay, waxaanu marin doonaa sharciga deegaanada Puntland hadii lugu helo dambiga loo qabtey sharciga ayaa lamarin, hadii kalena waa lasii deyn, wax kale oo sadexeeyaa majiraan howshaas, waana wadaynaa howlgalada aan uga soo horjeedno kooxahaasi" Ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Bari.

 

Talaabada ay qaadeen xubnaha dawladda Puntland ee gobalka Bari ayaa ku soo beegmaya xili uu dhawaan madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud amar ku bixiyay in la bilaabo dagaal culus oo looga soo horjeedo kooxaha ka soo horjeeda amaanka iyo kala dambeynta Puntland & cid walboo lugu tuhmo Burcadnimo nooc ay doontaba ha noqotee, siiba Mida Badda.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this