Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdogan: Waxaan doorashada ka gaari doonaa guul taariikhi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in natiijada wareeggii hore ee doorashada Turkiga ay u muujineyso inuu ku guuleysan karo wareegga ugu dambeeya ee loo ballansan yahay 28-ka bishan, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Waxan uu sheegay ku guuleysiga aqlibayadda Baarlamaanka ee xisbigiisa ay u xaqiijisay in shacbiga Turkigu uu ku kalsoon yahay, isla markaana ay ‘aayahooda ka arkeen isaga iyo xisbigiisa.’

“Waxaan kusoo bixi doonnaa doorashada 28-ka May innagoo kordhinayna codadkii aan helnay 14-kii May, waxaana rajaynaynaa inaan gaarno guul taariikhi ah” ayuu ku yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Erdogan ayaa helay doorashadii Axaddii in ka badan 27 milyan oo cod oo u dhiganta 49.51% codadkii la dhiibtay, waxaana uu musharraxa kusoo xiga ee Kemal Kilicdaroglu uu ka sarreeyaa 2.5 milyan oo cod.

PUNTLAND POST

The post Erdogan: Waxaan doorashada ka gaari doonaa guul taariikhi ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this