Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyaha Mucaaradka Tunisia oo lagu xukunay hal sano oo xabsi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Garsoore Tunisian ah ayaa Isniintii ku xukumay hoggaamiyaha mucaaradka Rached Ghannouchi, oo aad u dhaleeceeya madaxweyne Kais Saied, isagoo lagu eedeeyay kicin, sida uu sheegay qareenkiisa Monia Bouali.

Ghannouchi, oo 81 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii April, waxaana areenkiisu uu sheegay in eedaymaha loo haysto ay ka dhasheen hadal uu ka jeediyay aaska xubin ka tirsan xisbigiisa Ennahda sahadkii hore, kaas oo ahaa ‘in marxuumku uusan ka cabsanayn hoggaamiye ama daalim, balse uu Alle ka baqayay oo keliya.”

Hoggaamiyaha xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu maleegayay falal ka dhan ah amniga qaranka, isaga iyo mucaarad kale oo xiran, kuwaas oo Saied ku eedeeyay inqilaab uu ku laalay baarlamaanka la soo doortay, islamarkaana uu dalka ku xukumayo wareegto madaxweyne.

Saciid oo awooddiisa cusub ku qeexay dastuur uu ku meel mariyay afti dad yar ay u dareereen sanadkii hore, ayaa beeniyay in ficilkiisa uu ahaa afgambi, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay si Tunisia looga badbaadiyo sanado badan oo fowdo ah.

Waxa uu dadka dhaliila ku tilmaama dambiilayaal, khaa’inul waddan iyo argagixisanimo, waxa uuna uga digay in garsoore kasta oo siidaaya loo qaadan doono in uu iyaga la saftay.

Ghannouchi ayaa diiday inuu horyimaado garsoorayaasha kiisaskiisa, isagoo ku dooday in eedeymahaasi ay yihiin kuwo la been abuuray, maxkamadeyntiisuna ay tahay mid siyaasadeed, sida uu sheegay qareenkiisa.

PUNTLAND POST

The post Hogaamiyaha Mucaaradka Tunisia oo lagu xukunay hal sano oo xabsi ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this