Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Puntland oo ku baaqay in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shir mudda laba maalmood ah uga socday magaalada Garoowe.

War-murtiyeedka laga soo saaray shirka siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Madasha ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland oo ay ku tilmaameen mid horseedi karta qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Madasha ayaa sidoo kale ku baaqday in la joojiyo wax ka beddelka Dastuurka Puntland islamarkaana waxay ku tilmaameen arrin laga lee yahay dano siyaasadeed oo gaar ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya uga digay in aysan fara gelin arrimaha siyaasadda gudaha ee Puntland.

HUUDKA_1.jpg?resize=384%2C543&ssl=1 HUUDKA_2.jpg?resize=720%2C1019&ssl=1 HUUDKA_3.jpg?resize=720%2C1019&ssl=1 HUUDKA_4.jpg?resize=720%2C1019&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Mucaaradka Puntland oo ku baaqay in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this