Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidankii ugu badnaa oo ku biiraya dagaalka Al-Shabaab iyo Xasan oo sagootiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
346860605_6185752578212849_2876106046175

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galinkii dambe ka saagootiyey Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan Guutada Gantaal ee Ilaalo Qaran.

Ciidankan ka ambabaxaya magaalada Muqdisho ayaa waxay ku biirayaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay ciidankan ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee ciidamada qalabka sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo laba qorshe oo taarikhi ah.

Qorshayaashan ayuu madaxweynuhu sheegay inay ku saleysan yihiin “in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso ciidamada qaranka.”

Khudbada madaxweynaha oo isugu jirtay dardaaran, dhiirri-galin iyo guubaabo ayaa waxa uu ku sheegay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan inay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Waxa uuna faray ciidankan cusub ee ku biiraya dagaalka in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoonidda iyo hiilka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay guulaha isdaba-joogga ah ee ciidamada qalabka sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo cirib-tirka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada qaranka.

Ugu dambayntiina waxa uu madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyaga oo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Shabaab.

347371168_196673236589303_57453556169460

346953940_1068800070750272_2171886933038

344348953_5818255174946118_8976548313159

346641099_626184136085302_14281068791503

347088345_546825380953129_62819085296919

346858007_1389480188452737_4721944206137

346862183_225403753544793_42395619354286

346832719_906009680480576_72774655680715

346860605_6185752578212849_2876106046175

346955199_1636407550106576_1182963115118

346873067_143934961995104_90000517659016

346888407_560207369566363_34081849170076

The post Sawirro: Ciidankii ugu badnaa oo ku biiraya dagaalka Al-Shabaab iyo Xasan oo sagootiyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this