Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuduudka Kenya iyo Soomaaliya oo bishan dib loo furayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex goobood oo ah xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo xirnaa muddo ku dhow 12 sanno, ayaa lagu wadaa in bishan dib loo furo, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Goobahan ayaa kala ah ; Bulahawa oo ka tirsan degmada Mandheera, Liboi- oo ka tirsan degmada Gaarisa, iyo Kiunga-Daresalam oo ka tirsan gobolka Lamu.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah kulan la qaato Wasiirka Amniga Soomaaliya, Maxamed Sh. Doodishe si ay uga wada hadlaan qorshaha dib loogu furayo saddexda goobood ee xuduuda ah.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb geli doona wasiirka difaaca Kenya,Aadan Barre Ducaale iyo Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Alfred Mutua iyo dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac. Arrintan ayaa timid kadib markii toddobaadkii hore laga daahfuray magaalada Mandheera mashruuca xuduudka u dhaxeeya Kenya,Soomaaliya iyo Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Xuduudka Kenya iyo Soomaaliya oo bishan dib loo furayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this