Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo qirtey in laba taliye lagaga  dilay dagaalka ka dhacay Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in laba ka mid ah taliyeyaasha militariga lagu dilay bariga Ukraine, iyadoo ciidamada Kyiv ay cusboonaysiiyeen dadaallo ay ku jabinayaan difaacyada Ruushka ee magaalada ay colaadu ka taagan tahay ee Bakhmut.

Warbixin maalinle ah, wasaarada gaashaandhigga Ruushka ayaa lagu sheegay in Taliye der Vyacheslav Makarov oo ka tirsan guutada 4-aad ee madaafiicda taliye ku xigeenka Yevgeny Brovko oo ka tirsan cutub gooni ah la dilay iyagoo isku dayaya inay iska caabiyaan weerarrada Ukraine.

Waxa Ruushku uu sheegay in Makarov uu hogaaminayay ciidamada jiidda hore, halka Brovko uu u dhintay si geesinimo leh,kadib markii ay soo gaareen dhaawacyo ka dhashay duqeyn.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa dhif iyo naadir ku sheegta dhimashada taliyayaasha militariga warbixinnada maalinlaha ah ee ay bixiso.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ciidamada Ukraine ay 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay weeraro ka fuliyeen waqooyiga iyo koonfurta Bakhmut, balse ma aysan jebin difaacyada Ruushka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this