Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Riyaale accuses rivals of being Al Shabaab

Recommended Posts

Xukuumadda oo Xirsi Cali X. Xasan ku Eedeeyey inuu Xidhiidh la Leeyahay Al-shabaab

Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in aanay jirin hawlgal ay xukuumad ahaan muddooyin dambe ku damacsan yihiin sidii xabsiga ugu taxaabi lahaayeen shaqsiyaad magac ku leh Somaliland oo uu ka mid yahay Muj. Ibraahim Cabdillaahi (Dhegoweyne).

 

 

Wasiirka oo hadalkiisan ku sheegay waraysi uu shalay siiyey laanta af-soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa ku tilmaamay kuwo been-abuur ah oo aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xukuumaddu muddooyinka dambe ku hawlan tahay xadhigga masuuliyiinta magaca, waxaannu isagoo arrintaa ka warramaya uu yidhi; “Warkaas waxaan ku arkayey wargeysyada, balse annagu taa ma hayno, mana aha in siyaasi ama nin magac dalka ku leh in karaamadiisa la dilo oo la yidhaahdo hebel baa xadhig lala raadinayaa, iyadoo xagga dawladda, Xeer-illaalinta iyo booliska midna laga hubin, isaga laftiisiina aannu waraysi ku odhan waa la i raadinayaa. Waxaan u arkaa war ay wargeysyada qaarkood caadaysteen, markaa ma jirto Ibraahim iyo shaqsiyaad kale oo waddanka karaamo ku leh oo aannu xadhig la daba taagannahay waqtigan xaadirka ah.”

 

 

Wasiirka oo la waydiiyey sababta dawladda Somaliland ugu kordhisay gobollada bari, ayaa sheegay; “Ma jiraan ciidamo la geeyey Saaxiil iyo Togdheer toona, laakiin ciidanka boliis ah oo soo dhammaystay tababarka Mandheera oo lagu kordhiyey way jiraan, koleyna ciidammada boliisku waxay u xilsaaran yihiin nabadgelyada dalka, maadaama ciidammada boliiska oo awal nagu yaraa ay tababarka nooga soo baxeen, ayaan ugu kordhinay, laakiinse ma jiraan dareen ama xaalad halis ah oo nabadgalyo-xumo ahi ma jirto.”

 

 

Md. Cirro oo ka jawaabayey waxa jira warar sheegaya inay kooxo hubeysani isku abaabulayaan bariga magaalada Burco, ayaa waxa uu yidhi; “Waxa jira runtii niman budhcad ah oo bariga Burco la leeyahay saddex baabuur oo Surf ayey kurka ka jareen, waanna lagu maqan yahay, Inshahu aanay dhaafi doonin maanta [shalay] wixii tallaabo ahna waa laga qaadi doonaa.”

 

 

Md. Cabdillaahi Cirro oo wax laga waydiiyey ujeeddada ay leeyihiin kooxdan la sheegay inay isku abaabulayso bariga Burco, ayaa ku jawaabay; “Ujeeddadoodu way caddaan doontaa oo ka hordhici maayo, laakiin waxaannu tuhunsanahay inay lug la leedahay nin maalin dhowayd la xidhay oo Xirsi la yidhaa oo xidhiidh la leh kooxda Shabaab, arrintiisana waa la baadhayaa, baadhistaa kadib ayaanay caddaan doontaa.”

 

 

Wasiirka oo la waydiiyey caddaymaha ay u hayaan eedan culus ee dusha ka saareen Guddoomiye-ku-xigeenkii iscasilay ee Komishanka Doorashooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa waxa uu ku jawaabay; “Arrintan kuma tuhunsanin ee aad iyo aad ayey ugu caddahay, oo baabuurtaa la sheegayo ayuu markii hore la socday, waxaanna laga soo eryaday tuulada, ciidanka boliiska ayuu la soo galay halkaas, markaas hadday tahay telefoonnadiisii iyo hadday tahay xidhiidhkiisiiba aad iyo aad baanu raad weyn u haynaa, waxaananu caddayn doonaa markay baadhistu dhammaato.”

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this