Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo duleedka Ceerigaabo kula wareegtay ciidan ka goostay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1684128390181-1.jpg?resize=720%2C

Ciidankii Somaliland u fadhiyay degaanka Shimbiraale ee duleedka Ceerigaabo ayaa gebi ahaanba isaga baxay Somaliland.

Ciidankan oo ku gaashaaman gaadiidkii dagaalka ee Somaliland ayaa Axaddii shalay ku biiray ciidamada Daraawiishta Puntland.

Abbaan-duulaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidankan iyo hubkooda.

Gen. Xuseen Dheere ayaa ballan-qaaday in ciidankan ay mushaarka iyo xuquuqdooda oo dhammaystiran ka heli doonaan dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo duleedka Ceerigaabo kula wareegtay ciidan ka goostay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this