Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilaa xadkee buu qoraaga Soomaaliga ahi uu hoos u dhaadhici karaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Bulsho waliba waxa ay leedahay af u gaar ah oo ay kaga soocan yihiin aadanaha kale. Afkaasi waa sumad ama baadisooc bulshadaas u gaar ah. Af walbaaba waxa uu xambaarsan yahay hidde soojireen ah. Hiddahaasina waa sooyaal ay ummaddaasi ku dhaadato. La arkee, in dhaqammo kale ay soo dhexgalaan. La arkee in afkoodu uu ereyo ka soo amaahdo afaf ummado kale, koodana cido kale ay wax ka qaataan.
Afafka isticmaalkoodu waxa uu leeyahay dabar xidha, iyo xuduudo lagu ilaaliyo. Tusaale ahaan, waxa jira ereyo ama weedho aad facaaga keliya la wadaagi kartid. Qaar aad waalidkaa la wadaagi kartid. Qaar jinsiba uu dhiggiisa la wadaagi karo. Ereyo lammaanaha is qabaa keliya ay wadaagi karaan.
Hooyooyinka waxa aan ka maqli jirey iyaga oo sheekaysanaya haddii gabadh ay dhalaan oo dhallinyaro ahi ay agtooda isa soo taagto, iyaga oo yiraahda “naa orodoo naga ag dhaqaaq, maxaad dumarka waaweyn ee gambada leh aad agtooda ka qabanaysaa!”
Soomaalidu sida bulshooyinka kale bay leeyihiin af xambaarsan hiddahooda iyo anshaxooda. Dhanka kale, Soomaalidu sida ummadaha kale ayay xuduudka u weydaartaan oo “fartii ay doonaanba waa ay qoraan!” Xumaanaha aadanuhu sameeyo waynnu kala simannahay. Xumaanahaas waxaaaba dhacda in marmarka qaarkood wanaag iyo ilbaxnimo la moodo oo la gaarsiiyo – ilaa heer laguba faano.
Qoraaga Soomaaliga ahi waxa uu soo tebiyaa dhacdooyinka dhabta ah iyo kuwa sheeko-faneedka ah ee laga allifo bulshada dhexdeeda. Bal aan tusaale u soo qaadanno sheekooyinka lagu magacaabo jacaylka iyo siyaabaha loo soo tebin karo. Aynu gaar usii xulanno jacayl dhallinyaro oo dhexmaraya labo isjantay, ha yeeshee aan is qabin. Hadda ka hadli maayo, ma bannaan tahay in bulshadeenna loo soo tebiyo iyo in kale. Waxa aan ka hadlayaa, waxani waa wax jira oo dhaca’e sidee loo soo tebin karaa?
Buugaag Soomaali ah, oo arrintan ka hadlaya, wax baan ka akhriyey. Jacayl labo qof keli ah ku koobnaan maayo’e, bal aan sii ballaadhiyo oo idhaahdo, dhallinyaro hawadooda raacaya oo rag iyo dumarba ah. Haa hawadooda raacaya, oo magaalada ku jira, oo dhinac walba u tuuraya – waxbana aanay ka xaaraansanayn! Maya, hilibka doofaarka keliya ayaa ka xaaransan! Falalka ay dhallintaasi ku kacayaan, qoraaga Soomaaliga ah ee hibada qoraalka lihi, sidee buu ummadda ugu soo bandhigi karayaa?
Bal sidee baan u tilmaami karayaa, Looyaan iyo Layla oo shaydaan ku shaqaysanayo, jeebkooduna uu qoyan yahay. Bal sawiro labadaas oo fiidkii hore is raacay. Baar wax laga fuudo sii maray. Cawaysyada qoob-ka-ciyaarka tegey, oo halkaas ku sii labo-qarxay. Dabadeed makhaayad hore uga sii casheeyey. Iyagoo oo hawadaas maraya, hotel ay qol hore uga sii qabsadeen isla tegey.
Qoraaga reer Galbeedka ahi, isaga oo qalinkiisa ku raaxaysanaya buu kala dhigdhigayaa, eegmada iyo jalleecada indhahaas beladu wadato sida ay isula janqaadayaan. Waxa uu tilmaamayaa dareenka hagaya iyo diiradda meelaha la saarayo. Dhagdhagta iyo qosolka iyo neeftuurka – ayuu tilmaamayaa. Sida degdeggu ku jiro ee hu’ga iyada oo la dhibsanayo la isaga rogayo, buu kuu sawirayaa. Waxa uu ku xejinayaa faro-ka-ciyaarka iyo falaadka ka horreeya inta aan saarku soo degin. Taako-taako iyo tallaabo-tallaabo ayuu shaqadii Ibliiska kuugu dhigdhigayaa – isaga oo weliba kuu qurxinaya. Xaggiisa laga yaabee, in aanu shaqo Ibliis u arage, uu u arko in Ibliiska laftiisa la dilayo! Haa, waa ay dhici kartaa.
Muddo sannad hadda laga joogo, waxa aan akhriyey, buug qoraa Soonmaaliyeed uu qoray. Waxa ku jirey, laba qof oo Soomaali ah oo markaas iyada ah hawadooda raacanaya. Sidii aan u akhrinayey, baa qoraagii waxa uu ii dhex keenayaa qolkii iyo sariirtii hurdada. Meesha aan wax ku akhrisanayo waxa jooga qoyskayga dhammaantood. Buuggii baan farahayga ka siibanaya. Mar qudha baan hareeraha eegayaa aniga oo naxsan. Naxdinta waxa ii dheer cadho aan u cadhooday qoraagii buugga. Laba erey oo aan si aad ah u dhibsaday baa ishaydu ku dhacaysaa. Mid ka mid ahi wuxuu ahaa “habeynkaas si fiican baa loo raaxaystay!” Kan kalena wuxuu ahaa “waa la dha..leeyey!” Aniga oo hoos isula hadlaya oo argagaxsan ayaan oranayaa “bal qoraagaasi waa qof Soomaali ah, oo Muslim ah!”
Qoraagani waxa uu ka sheekaynayaana waa dhillaysi. Waa runtaye, waa dhillaysi. Labada qof ee aan is qabin ee gogol ku macaamila waxa dhexmaraa waa dhillaysi. Dadka uu la hadlayaana waa Soomaali. Sinada waa uu yaqaan in ay tahay wax anshaxana ku xun, aakhirona ciqaab leh. Sidee buu afkiisa u soo marin karaa “waa la raaxaystay.” Marka aad macsi ku tilmaantid “raaxaysi” miyaanay u ekaanayn in aad dhiirrigelinayso. Intaa dabadeed, waxa aan isweyddiiyey, waxa uu qoraagani ka sheekaynayaa (dhillaysigu) waa wax habeen walba Soomaalida dhexdeeda ka dhaca – oo maaha been-abuur iyo male-awaal aan jirin. Haddii uu qoraagu rabo in uu dhacdadii tilmaamo sidee buu Soomaalida ugu sheegi lahaa?
Afka Soomaaligu waa af aad u balaadhan. Weliba waxa uu hodan ku yahay sarbeebaha iyo ereyada maldahan. Markiiba waxa maskaxdayda ku soo dhacday in qoraagu uu oran kari lahaa “habeynkaas, shaydaan baa ka adeegay” ama “shaydaan baa ka sayid-caleeyey!” Waxa aan hubaa in wixii uu rabeyna uu qoraagu soo gudbiyey, akhristuhuna uu 100% fahmayo, in goobtaas “laacdan iyo legdiniba ay ka dhacday.” Isla markaana uu fahmayo, in aanay xalaal ahayne, shaydaan meesha ka shaqaystay. In la sinaystay waa ay u caddaanaysaa akhristaha.
Gabagebadii: Soo bandhigista falalka lammaanaha dhex mara (xalaal iyo xaaraanba) sida loo qorayo waa lagu kala aragti duwanaan karaa. Aniga marnaba lagama yaabo in aan si qayaxan (sida reer galbeedka) u soo bandhigo, cidna kuma aan dhiirrigelinayo in ay sidaas yeelaan. Ummadda aad wax u qoraysaa waxa ay xaq kuugu leedahay, wixii anshax xumo iyo denbi ay u yaqaannaan in aadan u qurxin. Halbeegga qoraallada aan qorayo aan u isticmaalo waxa weeye: – Waa in waxa aan qoro, ay akhrisankaraan (ama aan u akhriyi karaa) hooyaday, walaashay, xaaskayga, iyo carruurtaydaba. Haddii aan iyaga kala xishoodo, waa in ummadda kalena aan kala xishoodaa.

Qore: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this