Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa tumaa haweeneyda loo magacaabay madaxa fulinta Twitter-ka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Elon Musk ayaa magacaabay madaxa fulinta ee Twitter-ka, wax ka yar lix bilood ka dib markii uu muran ka dhashay la wareegitaankiisa shirkadda baraha bulshada.

Maalqabeenka ayaa sheegay in Linda Yaccarino, madaxii hore ee xayaysiinta ee NBCUniversal, ay dusha kala socon doonto howlaha ganacsiga ee goobtaas oo la daalaa dhacaysay lacag sameyso.

Waxa uu sheegay in ay shaqada bilaabi doonto lix toddobaad gudahood. Mr Musk waxa uu sii ahaan doonaa gudoomiyaha iyo madaxa tignoolajiyada.

Ms Yaccarino waxa ay waxay ka soo jeedaa qoys Talyaani-Maraykan ah, abbaheed wuxuu ahaan jiray sarkaal booliis ah halka hooyadeedna aysan waligeed jaamacad dhigan.

Waxay sidoo kale xiriir ka dhistay warbaahinta cusub sida Apple News, Snapchat iyo YouTube.

Claire Atkinson oo la socotay xirfaddeeda Ms Yaccarino muddo ku dhaw labaatan sano ayaa sheegtay in khibrada ay u leedahay xayeysiinta ay caawin karto shirkada Twitter-ka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this