Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney si arxan darro ah u dishay wiil uu dhalay Seygeeda oo lasoo qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
347102582_552436703757845_67633362867625

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska gobolka Banaadir oo howlgal ka sameeyay degmada Dharkenley ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney jirdil xoogan u geystay ilmo uu dhalay Seygeeda.

Ciidamada Booliska, qaybta Galbeed ayaa gacanta kusoo dhigay haweeneydan oo ku eedeysan in ay si arxan darro ah u dishay wiil ay eedo u aheyd oo uu dhalay ninkeeda.

Booliska ayaa sheegay in dilka uu sababay jirdil iyo garaacis xoogan oo ay wiilka yar u geysatay haweeneyda oo haatan ku xiran saldhigga degmada Dharkenley.

Sidoo kale waxa uu talisku intaasi kusii daray in ciidanka ammaanka ay soo badbaadiyeen gabar wiilka la dhalatay oo iyadana jirkeeda ay ku yaallaan dhaawacyo xoogan.

“13/5/2023 Abaara 8:00 fiidnimo, Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeeed gaar ahaan Saldhiga Dharkeynley, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan in ay si arxan daro ah u dishay wiil ay eedo u aheyd halka gabadhii wiilka la dhalatay Boliisku ka badbaadiyay gabadhana ay dhaawacyo badan ku yalaan waxayna u aheyd eedo aabo qabo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir.

Taliska qaybta booliska ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanaha ayaa booliisku gacanta ku hayaa, waxaana la waafajindoonaa Maxkamadda Awooda u leh si cadaalada loo mariyo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka taliska Booliska.

Dhinaca kale, booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan caasimada, wuxuuna ka codsaday inay kala shaqeeyaan amniga, ayna usoo gudbiyaan xogta ay hayaan.

“Muwaadin hadii aad aragto arimo lid ku ah Amniga caasimada waxaa naga soo waci kartaan numberka gaaban ee 991”. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka booliska.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyin argagax leh, kuwaas oo ay dad usoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

347102582_552436703757845_67633362867625 346649278_1429663871168941_7713173218281 345664448_950529749472695_30680333291205

The post Haweeney si arxan darro ah u dishay wiil uu dhalay Seygeeda oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this