Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar iyo saraakiil kale oo ka baxsaday Ciidanka Mahad Cambaashe

Recommended Posts

Deeq A.   
Screenshot_20230514-031704_Facebook.jpg?

Askar iyo saraakiil ka goostay ciidanka uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe ayaa u baxsaday dhinaca degaannada hawdka Gobolka Sool.

Ilaa tobaneeyo askar iyo saraakiil ciidan ka kooban oo ka baxsaday ciidanka Mahad Cambaashe ayaa la sheegaya in ay hadda ku sugan yihiin dhulka hawdka ah ee Gobolka Sool.

Kooxda goostay ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda u gudbaan dhanka magaalada Laascaanood si ay ugu biiraan SSC-Khaatumo.

Waa markii labaad oo maalmo gudahood askar iyo saraakiil ka baxsadaan ciidanka Cambaashe oo weli taageersan Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Askar iyo saraakiil kale oo ka baxsaday Ciidanka Mahad Cambaashe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this