Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ku baaqay in aad loo ilaaliyo Amniga doorashada qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan Gaalkacyo ayaa mar kale xalay ka hadlay arrimaha doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ku baaqay in aad loo ilaaliyo amniga doorashada qof iyo cod oo lagu wado in ay degaannada Puntland ka qabsoonto 25-ka bishaan May 2023.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in loo caqli celinayo siyaasiyiin uu ku tilmaamay in ay diiddan yihiin hirgelinta doorashooyinkan.

“Kuwa diiddan aragti dimuqoraaddiyadda iyo dowlad dhiskana waa in aan u caqli celino oo u dhimrino oo niraahno war dalku waa dalkiini” ayuu yiri Siciid Deni.

Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad la xiriirtay ololaha doorashooyinka dowladaha hoose oo urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ku baaqay in aad loo ilaaliyo Amniga doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this