Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa magaallo ka tirsan Sweden oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
346873582_228729316447766_40391591953495

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa magaalada Bolnas ee dalka Sweden, Mudane Cabdullahi Aadan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cabdullahi Aadan ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo xildhibaano kamid ah  baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal iyo qeybo ka mid ah bulshada gobolka Banaadir.

Intaasi kadib ayaa mas’uulkan waxaa loo galbiyay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo uu ku qaabilay dhiggiisa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)

Ujeedka safarka Duqa Magaalada Bolnas ayaa la xiriira howlo shaqo, waxaana inta uu joogo Muqdisho uu maamulka gobolka Banaadir kala hadli doonaa sidii la’isaga kaashan lahaa wada-shaqeynta iyo wax is-dhaafsiga labada magaallo ee Bolnas iyo Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo horumarineed oo ku aadan caasimadaha labada waddan.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa soo xiray kulan socday muddo 4 cisho ah oo looga hadlayay qodoba ay kamid yihiin:

1- Sawirida Magaalada dhanka Satellite-ka, 2-Aasaaska Barta Xakamaynta Dhulka (GCP), 3-Soosaarka Khariidadda Magaalada Muqdisho (Topographic Mapping), 4-Horumarinta Nidaamka (GIS Web), 5-Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose.

Kulan kadib ayaa sidoo kale maamulka gobolka Banaadir iyo howlwadeenada mashruucan fulinaaya kala saxiixday howlaha shaqo oo ay ka qabanayaan magaalada Muqdisho, iyada oo saxiixa heshiiskan ay goobjoog ka ahaayeen aggaasimeyaal katirsan Dowladda Hoose ee Xamar wakiila ka socday dowladda Jaban.

346817643_578881740737500_10018184846219 346844879_950337816160509_64641081318648 W4-1.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 346873582_228729316447766_40391591953495 347085767_256436863620808_69729443270919 347082226_160908773615984_80365412934902 346940152_255649300317265_24260590502567 346875159_659984945954943_24048420966865345891308_172399555768228_91548493970307 345901163_1322891098575848_8475808521591

The post Duqa magaallo ka tirsan Sweden oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this