Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Ka Taagan Ceerigaabo, Xilli Rabshado Khasaare Dhaliyay ay Ka Dhacayeen Magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag oo ay habeenimadii xalay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay aya waxaa lasoo sheegayaa in saakay uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya ciidanka ka tirsan Booliiska Somaliland iyo dadka deegaanka waxaana jira khasarae ka dhashay iska hor imaadkii dhacay.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo wariyey inay ka dhasheen rabshadihii dhacay, qaar kamid ah shacabkii banaanbaxayay ayaa sheegay inay taaageero u muujinayaan dadka deegaanka reer Laascaanood, iyaga oo xusay inay kasoo horjeedan qaabka ay Somaliland u wajahday xiisadda ka taagan magaalada.

Qaar kamid dadka deegaanka Ceerigaabo ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, iyaga oo banaanbaxdooda uga soo herjeeday maamulka Somaliland, isla markaana ku qeylinayay erayo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, xilli ay mudaharaadashaashu ay wateen calanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Booliiska oo gaaray magaalada ayaa u maaro waayey bannaanbaxyada, waxaana qeybo kamid ah magaalada laga dejiyay calanka Somalilad, halka goobo ay kamid tahay faras magaalaha laga taagay Calanka Buluuga ah, waxaana wali taagan xiisadda ka dhalatay bannaanbaxyada ay shacabku ka dhigayaan.

Xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli magaalada Boorama ee gobolka Togdheer maamlmihii tagay ay ka dhacayeen dibadbaxyo xooggan oo ka dhan ah maamulka Somaliland, kaas oo ka dhashay dil ka dhacay magaalada, taas uu geystay askari ka tirsanaa ciidanka Somaliland.

Diidmadii ka bilaabatay magaalada Laascaanood ayaa waxaad moodaa in ay ku faaftay magaalooyin badan oo ka tirsan Somaliland, waxaana 30 sano kadib deegaannada Somalilad lagu arkayaa in shacabku ay kasoo horjeedaan maamulka Biixi uu hoggaamiyo, taas oo ay sal u tahay sida uu u wajahay xaaladda magaalada Laascaanood.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this