Deeq A. Posted May 13, 2023 Xiisad colaadeed ayaa sida lagu soo warramayo ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Iska hor-imaad hubaysan oo xalay ka dhacay Ceerigaabo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sida laga soo xigtay dadka degaankaas. Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada Somaliland iyo qayb kamid ah dadka degaanka oo ka horyimid in xuska 18-ka May lagu qabtay Ceerigaabo. Xiisadda ayaa weli taagan waxaana qayba kamid ah magaalada laga dejiyay calanka Somaliland iyadoo la saaray calanka SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Xiisad colaadeed oo ka aloosan magaalada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites