Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya war ka soo saartay hawlgal lagu beegsaday Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay 44 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Hawlgalkaas qorshaysan ay ciidanka NISA iyo saaxiibada Caalamiga ah ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto oo ka tirsan degmada Kurtunwaarrey ee Gobolka Shabeellada hoose.

Hawlgalka oo dhacay gelinkii danbe ee shalay ayaa sida wasaaradda Warfaafintu sheegtay lagu dilay 44 xubbood oo isugu jira dagaallamayaal iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Hawlgalka sidoo kale lagu burburiyay hub iyo saanad ciidan oo Al-shabaab ku urursanayeen godo ku yaalla degaankaas Cali Fuuto ee degmada Kurtunwaarrey.

FB_IMG_1683962206476.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya war ka soo saartay hawlgal lagu beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this