Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay Rabshado xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Rasaas ayaa xalay laga maqlay magaalada Ceerigaabo, xili rabshado wakhti kooban socday ay dheceen, wararka qaar ayaana sheegaya in dhimasho iyo dhaawac jiraan.

Wararka qaar ayaa sheegay in rabshadu ay bilaabantay  kadib markii koox aan haybtooda wali la sheegin ay rasaas ku fureen baabuur ay wateen ciidamo booliis ah, oo suuqa marayay.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in rabshadu ay ka bilaabantay calan aan ka Somaliland ahayn oo dhallinyaro goob magaalada kamid ah ka taagtay, talaabadaas oo ka xanaajisay dhallinyaro kale oo u dabaal dagayay munaasibada 18 May.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen isku dhaca booliiska iyo dhallinayrada kasoo horjeeday, inkasta oo aanay wali jirin ilo madaxbannaan oo xaqiininaya.

Wali Booliiska Somaliland kama hadal waxa sababay rabshadaha magaalada ka dhacay xili uu socday dabaaldaga 18 May, oo ay dhigayeen dhallinyaro isku soo baxday, mana jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this