Sign in to follow this  
Deeq A.

Berri yaa ku guulaysan doona isku dari doona doorashada Turkiga?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalinta Axadda ee 14-ka May, dalka Turkiga waxaa ka dhacaya doorasho Madaxweyne iyo mid Baarlamaan. Waxaa codaynaya dad gaaraya 60 milyan.

Doorashadani waa mid xiiso iyo xammaasad badan.

Waxay kusoo beegmaysaa 100 sano guuradii aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga, kadib markii Dagaalkii 1aad ee Adduunka ay ku burburtay Boqortooyadi Cusmaaniyiinta oo Turkiga iyo meelo kamid ah Bariga Dhexe iyo Yurub maamuli jirtay.

Madaxweynaha haatan talada haya Erdogan waxa uu ku ololeeyaa in Turkigu 100 sano jirsatay asagoo uu kaynaanka u hayo, oo dalka horumar baaxad leh gaarsiiyay intii uu hoggaaminayay.

Tusaale: Dhaqaalaha oo kor u kacay (bixinta dayntii IMF, ku biirista G20, GDP kor u kacay, wax dhoofinta oo korortay) iyo mashaariic horumarineed oo waaweyn (kaabbayaalka dhaqaalaha, tiknoolojiyadda, difaaca iyo hubka iwm).

Sidoo kale, doorashadani waxay kusoo beegmeysaa ayadoo Turkigu haatan wajahayo dhaqaalo xumo iyo sicir barar ay saameyn ba’an ku yeesheen dhulgariirkii February ka dhacay Turkiga, caabuqii COVID-19 iyo saameynta dagaalka Ruushka iyo Yukrayn.

Doorashadani waa mid taariikhi iyo masiiri ah

Waxaa lagu tilmaamay doorashada ugu muhiimsan caalamka ee sanadkaan 2023. Waayo natiijadeedu waxay saameyn doontaa dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida, gaar ahaan Ciraaq, Suuriya, Bariga Dhexe, Balkaaniska, Bartamaha Aasiya iyo Afrika.

Turkigu waa xubin NATO, quwwad soo koraysa—dhaqaale iyo ciidan ahaanba. Waxa uu kaalin soo ifbaxaysa ku leeyahay qaab maamulka dunida.

Sidaas darteed, Kalabar dunida ayay si dhow u daneynaya natiijada doorashadaan: laga soo billaabo Midowga Yurub, Maraykanka, Ruushka, Yukrayn, Carabta iyo Afrika.

Xulafooyin

Doorashadan waxaa lagu gelayaa qaab isbahaysi ah, waxaana ugu waaweyn labadaan:

  • Isbahaysiga Qaranka/Ummadda: Waa tan Erdogan, waxayna ka koobantahay Xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Hormarka, Xisbiga Qowmiga ee MHP iyo Xisbiyo yar yar sida Buyuk Birlik Party, Yeni Refah Party iyo HUDA-PAR.
  • Isbahaysiga Dadka: Waa kan mucaaradka ee Kemal Kilijdaar-Oowlu u sharraxanyahay. Rasmi ahaan waxay ka koobantahay 6 xisbi, oo ay kamid yihiin Xisbiga Jamhuuriga CHP, kan Qowmiga ee IYI Party iyo kuwa yaryar sida GELEJEK, DEVA, SACAADET. Sidoo kale, xulafada mucaaradka waxaa taageersan Xisbiga weyn ee Kurdiga ee HDP.
  • Bashaar Assad.
  • 3. Siyaasadda Arrimaha Dibadda: Turkiga waa xubin xulafada NATO ee Maraykanku hoggaamiyo, muddo dheerna waxa uu ku saf ahaa dalka Reer Galbeedka. Balse Madaxweyne Erdogan waxa uu dejiyay siyaasad arrimo dibadeed,taasoo uu sheegay inay sare u qaadday magaca Turkiga ee fagaarayaasha dunida.
  • Waxa uu xariir la yeeshay dalalka Carabta, Afrika, Aasiya iyo Latin Amerika. Waxa uu horumariyay awooddisa difaaca asagoo abuurtay warshadaha hubka soo saara, una dhoofiyay caalamka. Waxa uu shidaal ka baaray badaha Mediterranean iyo Black Sea. Waxa uu kasoo horjeestay siyaasadda Israa’iil ee Falastiin, oo uu ku sheegay mid gumeysi iyo midabtakoor ah. Waxa uu gantaallada difaaca cirka kasoo iibsaday Ruushka, taasoo ka caraysiisay Maraykanka. Waxa uu iska diiday inuu ku biiro go’doominta Reer Galbeedka ee Ruushka kadib duullaankiisa Ukrayn. Dad badan waxay u arkaan arrimahaan inay ka leexisay Turkiga siyaasadda xulafada NATO.
  • Erdogaan waa difaacay siyaasaddiisa Arrimaha dibadda, asagoona sheegay in Turkigu dal madaxbannaan yahay meeshii uu maslaxadiisa ka arkana uu ka shaqeysanayo. Wuxuu ballanqaaday inuu siyaasaddaas kusii socon doono haddii uu doorashada ku guulaysto.
  • Hoggaamiyaha Mucaraadka Kamaal Kilijdaar-oolu wuxuu sheegay hadduu guulaysto inuu dalka xayndaabkii Maraykanka iyo Yurub dib ugu celin doono.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this