Deeq A. Posted May 13, 2023 Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay dibad-baxyo rabshada wata ay ka dhaceen gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi, kuwaas oo uga sii daraya xiisadaha ka jira Somaliland. Dibad-baxayaasha oo ku qaylinayay erayo ka dhan ah Somaliland, gaar ahaa madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay taaageero u muujinayaan reer Laascaanood, waxayna tilmaameen inay kasoo horjeedaan qaabka ay Somaliland u wajahday xiisadda ka taagan magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dibad-baxayaasha ay isku dhaceen ciidamada Somaliland, taas oo keentay in rasaas loo adeegsado, xaaladduna faraha kasii baxdo. Muuqaallo sidoo kale lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay in dibad-baxayaasho ay Calanka Soomaaliya iyo midka Khaatumo ay sureen waddooyin kamid ah Ceerigaabo. Mid ka mid ah dadka dhigayay dibad-baxyada ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidanka Somaliland, wuxuuna sheegay in nabadda faraha ka baxday, sida uu hadalka u dhigay. “Reer Sanaagow waxaan idin sheegeynaa nabad innoo xiran caawa ma jirto nin walbaa ciddii uu ahaa ayuu noqonayaa,” ayuu yiri mid kamid ah dibad-baxayaasha. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Haddaba Muusow waxaan ku sheegeynaa waxaa la dooneysay Ceerigaabo waa ka dhaceen”. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana bartamaha magaalada Ceerigaabo lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Si kastaba, horay rabshado kuwaan lamid ah waxay uga dhaceen Boorame oo todobaadkii hore laga taagay calanka Soomaaliya, waxaana kasii horreysay Laascaanood oo arrinteeda isku bedashay dagaal toos ah oo u dhexeeyo milatariga Somaliland iyo ciidamada SSC.The post Dibad-baxyo rabshada wata oo ka dhacay Ceerigaabo appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites