Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay oo fadhi gaar ah ka yeeshay xaaladda Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi degdeg ah ka yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee dalka Sudan, iyaga oo meel mariyey qaraar lagu cambaaraynayo xaaladda xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalkaas laga geystay wixii ka dambeeyey bishii October 25-keedii, sannadkii 2021, xilligaas oo milaterigu uu xukunka la wareegay iyo dagaaladii dhacay wixii ka dambeeyey April 15-keedii.

Qaraarkan oo ay taageereen 18 dal, halka ay ka horyimaadeen 14 dal, tirada ka aamustayna ay ahayd 15 ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka la qaaday inay ka dhasheen, dhimashada boqollaal rayid ah, iyo dhaawaca kumanaan kale, sidoo kalena waxaa sare u kacay heerka xadgudubyada jinsiga ah iyo kufsiga loo geysanayo haweenka, barakac baahsan iyo burbur loo geystay hantidii dadweynaha.

Madaxa golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa cambaareeyey inqilaabkii milateri ee dhacay sannadkii 2021, kaas oo ay hoggaaminayeen General Abdelfattah al-Burhan iyo taliyaha kale ee ay iska soo horjeedaan ee General Mohamed Hamdan Dagalo

Volker Türk ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay meel mariyaan xabbad-joojin gundhigeedu yahay hawlaha bini’aadantinimada, si gargaarka bini’aadanimo loo gaadhsiiyo goobaha ay colaaduhu ka socdaan isla markaana loo ilaaliyo inaan la bililiqaysan sahayda gargaarka bini’aadanimo.

PUNTLAND POST

The post Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay oo fadhi gaar ah ka yeeshay xaaladda Sudan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this