Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia, Kenya iyo Ethiopia oo daah-furay mashruuc dhul xuduudeed + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
345616198_144829941898210_23763679381912

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa caasimadda dalka Kenya ee Nairobi lagu daah-furay mashruuca dhul xuduudeedka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, kaasi oo qeyb ka ah xoojinta iskaashiga amni ee saddexda dal.

Waxaa daah-furkan goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Badhasaabka Mandheera, Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Wasiirka nabadda ee Itoobiya, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) oo ka qeyb-galay furitaanka mashruucan ayaa sheegay inuu kor u qaadayo xasiloonida deegaanada saddexdan waddan.

“Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday gaaridda nabad iyo xasillooni ka hirgasha deegaannada xuduudda oo ay wadaagaan saddexdan waddan” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe).

Waxa uu intas kusii daray “Mashruuca dhul xuduudeedka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday gaarida nabad iyo xasillooni ka hirgasha deegaannada xuduudda oo ay wadaagaan saddexdan waddan.”

Mashruucan ayaa sidoo kale waxa uu wanaajin doonaa nolosha dadka ku nool deegaankan isagoo yareyn doona colaadda, korna u qaadayo fursadaha dhaqaale, islamarkaana dhisaya adkeysiga dadka ee ka dhanka ah ururada xagjirka.

Mashruucan dhul xuduudeedka ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe saddexdan dal ay kor u qaadeen iskaashiga amni ee ka dhaxeeya, islamarkaana uu gudaha Soomaaliya ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Itoobiya iyo Kenya ayaa sidoo kale kamid ah dalalka qeybta ka noqonaya dagaalka kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan ay dalka soo gaari doonaan ciidamo ka socda dalalkan, kuwaasi oo ka madax-banaan ATMIS, kuna biiraya howl-galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

345639346_620586139957790_83898273424093

345617664_3527074247615596_1147497144960

345629580_977978803579036_55536034553488

345616198_144829941898210_23763679381912

346471614_636088458374765_68018212481736

345615524_796475751588342_21437978500915

The post Somalia, Kenya iyo Ethiopia oo daah-furay mashruuc dhul xuduudeed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this