Sign in to follow this  
Dhuujiye

Falaaga diimeedyada Somaliya oo rajo beel taagan iyo qilaafyada u dhaxeeya oo daaqada

Recommended Posts

Dhuujiye   

Inkastoo Somaliya sanadihii ugu dambeeyay muujineysay cabsida laga qabo in Somaliya isu rogto saldhig argagixisada ka soo amba-qaado waararadooda ayaa iminka dadka wax turxaan bixiya tilmaamayaan in falaaga diimedyada Alshabaab iyo Xisbul Islaam iminka marayaan heerkii ugu xumaa ee awood yari.

 

Halisyadii ugu xumaa ayay marayaan falaaga diimeedyadani, waxaana khabiirada wax turxaan bixiya ee Somaliya ay sheegayaan in falaagooyinkani iminka ay ka cabanayaan qilaafyo xoogan oo dhexdooda ah .

 

Iyadoo ay muuqaneyso iminka hoos u dhac aad u weyn oo xagga taageerada qeybo ka mid ah Somalida u hayeen falaaga-diimeedyadan i ayaa hadana waxa ayna tani ka dhigan tahay in falaaga diimeedyadani ey halisyo badan ku soo wajahan yihiin.

 

Saraakiil diiday in magacooda la soo xigto ayaa Calanka u sheegay in ay jiraan ifafaalo muujinaya in rajo beelka uu ku sii dhex baahayo gudaha falaaga diimeedka Alshabaab.

 

Sarkaalkani Somliyed ayaa xusay in talaabooyin badan ay qaadeen Al-shabaab ay keentay in shacbiyadii yareyd ee qeybo ka mid ah Somalida ey ka haysteen ay iminka daaqada ka baxday .

 

Qilaafyo hoosaadka ka dhex oogan Alshabaab waxa ay keentay in inbadan ay waayaan taageero kala duwan oo ay heli jireen, haatan wax ay noqdeen kuwo naftooda ku tiirsan oo falkasta oo dhaqaale lagu helayo ku dhaqaaqaya.

 

Sidaa oo ay tahay Al-shabaab waxa ay gacanta ku haysa qeybo ka mid ah Koonfurta Somaliya, taasi oo cirka ku sii shareertay cabsidii Mareykanka ka qabeen ee aheyd in Somaliya isu rogto hoy ay ku dhuumaaleystaan argagixisada Al-Qaacidda .

 

Falaaga diimeedka Al-shabaab ayaa inta badan waxa xubno ka ah dhalan yaro ku bar baaray mujtamac fowdo oo aan rajo ka laheyn mustaqbal ka fog qoriga .

 

Somaliya oo ah islaamiyiin qunyar socod ah ayaa hadana Al-shabaab waxa ay donayaan in rabitaankooda gaarka ah ee mayal adeygnimada ku qasbaan Soomaalida inteeda kale .

 

Xukuumada madaxweynaha qunyar socodka ah Sheekh Shariif Sh. Axmed ayay falaaga diimeedyada la dagaalama gaashaanka u daruuren dowladda inakstoo taageerada beesha caalamka ay si weyn u haysato.

 

Deeganaada Al-shbaab gacanta ku hayso ayay ka fuliyaan xukuno la xariira rabataankoda, iyadoo mararka qaar dadka arimaha Al-shabaab eega tilmaameen in aysan laheyn sal iyo raad ayna ka dambeeyaan ujeedooyin daahsoon .

 

 

Cumar Cali Nuur oo ah muwaadin Somaliyed oo isag oo jooga Muqdisho u waramayay Calanka ayaa shegay in iminka goobaha Al-shabaab gacanta ku hayaan ey dadka isaga huleelayaan, waxaana uu intaa raaciyay in ay muhiim tahay in dowlada ka faa`ideysato qilaafka Al-shaab ka dhex aloolsan iyagoo kuwa qunyar socodka ahna kala soo dhexbaxda.

 

Dadka wax dhaleeceeya ayaa waxa ay leeyihiin xukunada Al-shabaab fuliso waa kuwa waqtigooda ka soo hor maray, iyadoo ay tilmaameen in xukunada ay fulinayaan wax ka weyn ay u yaalaan ka hor inta aysan ku mashquulin dadka afkooda iyo labiskooda .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this