Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
345449202_1604127510074792_6364798598146

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha.

Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay qaraarkan ayaa tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Sidoo kale shirka maantra ee golaha wasiirada ayaa waxaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Waxaa sidoo kale isla maanta shirka golaha lagu ansixiyey heshiis is-afgarad dhinacyada caafimaadka iyo shaqo abuurka  oo u dhexeeya Soomaaliya  iyo Qatar iyo siyaasadda qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Dhammaan sharciyadaan ayaa waxaa toos loogu sii gudbin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si uu ugu doodo, kadibna waxaa saxiixi doono madaxweynaha dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

345449202_1604127510074792_6364798598146 346052241_152322524315188_85121581677295 346071037_757966965822142_85505480508437 346261276_1208366769856243_4431241705397 346269539_906260100457183_76512863353551 346292768_205249365624478_21613150724499 346498745_1669942550122953_4824867103670 346595629_264388572677047_41620760467260

The post Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this