Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo u hanjabay Muhaajiriinta ku sugan Xuduudka Maraykanka iyo Mexico

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Amniga gudaha ee Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa arbacadii ballanqaaday in ay kala eryi doonaan inta badan kumanaanka muhaajiriinta ah ee doonaya in ay maalmaha soo socda ka soo galaan xuduudda Maraykanku la wadaago Mexico.

“Tani waa waxa dhici doona, dib ayaa laguu celin doonaa” sidaas waxaa yiri xoghayaha amniga gudaha ee Maraykanka maalin ka hor, dhammaadka siyaasadda socdaalka ee mamnuucaysay in Maraykanka la soo galo, sababo la xiriira cabsida faafitaanka xanuunka COVID19.

Sida ku cad siyaasadda cusub oo ah mid ka adag tii hore, ayuu sheegay Mayorkas in muhaajiriinta isku daya inay si sharci darro ah ku soo galaan Maraykanka, in la eryi doono, isla markaana laga mamnuuci doono inay Maraykanka cag soo dhigaan muddo shan sannadood ah.

Qaar ka mida khubarada wax falanqeeya ayaa ku qiyaasay inay illaa 150,000 oo qof oo qaxooti ahi inay ku sugan yihiin xuduudda Maraykanka iyo Mexico kuwaas oo doonaya inay si uun u soo galaan gudaha Maraykanka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo u hanjabay Muhaajiriinta ku sugan Xuduudka Maraykanka iyo Mexico appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this