Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Kormeeray Xaafadaha uu Fatahay Wabiga ee Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.
madaxweynaha oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa socod ku maray buunda nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo barakac baahsan uu ka socday iyadoo Wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa booqday deegaanka Ceeljaale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid dadkii deganaa Magaalada oo ay saameeyeen fatahaada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyadoo Magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha.
Maraxweynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha samafalka inay si deg deg ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaada Wabiga Shabeelle.
345590935_768542868253734_57228516598191
346260094_593514612846970_19736060612263
346261022_237290548948181_17822776977164
346259119_1263087104610782_1032884690184
345593340_1363051587574245_2271339885430
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this