Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal Dawlada Sacuudi Carabiya u celinaya qeyb ka mida tirada Xujaajta loo qoondeeyay Xajka.Sanadkan 2023+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Markii ugu horreysay muddo 75 sano ah, dalka Pakistan ayaan sanadkan Sacuudiga u celinaya qeyb kamid ah tirada looga qoondeeyay Xajka.
Wasaaradda diinta ee Pakistan ayaa xaqiijisay in sideed kun oo sanadkan looga qoondeeyay Xajka ay dib u celisay kadib markii la waayay dad diyaar u ah in ay soo gutaan tiirka kamid ah tiirarka Islaamka.
Sababta ugu weyn ee ay Muslimiinta Pakistan u awoodi la’ yihiin Xajka sanadkan ayaa lagu sheegay dhaqaalo xumida baahsan ee ka jirta dalkaas, gaar ahaan sicir bararka xooggan.
“Tallaabadan lagu joojiyay Xajka sanadkan ayaa looga gol leeyahay in Pakistan ay u baaqato lacag dhan 24 milyan oo dollar oo ay xukuumadda ku kabto Xujeyda,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan wasaaradda diinta ee dalkaas.
BBC
May be an image of 4 people and text

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this