Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si adag ugu jawaabay ra’iisul wasaare Xamse

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in marna aysan dadka reer SSC garab istaag ka filayn ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Qoraal kooban oo uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Xamse uu halganka SSC warbaahinta u soo mariyay hadallo ka fiirsi la’aan ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in hadalkan uu warbaahinta mariyay ra’iisul wasaare Xamse aanu waxba ka beddeli doonin mowqifka SSC iyo halgankooda midna.

“Xamse awalba garab istaag kamay filayn Shacabka reer SSC ee loo Xasuuqayo Midnimada Ummada Soomaaliyeed, inuu hadalo noocaas ah oo ka fiirsasho la’aan ah Warbaahinta usoo mariyo waxba kama bedeli doonto mawqifkooda iyo halganka ay ku jiraan toona.

Isagana waxay dani ugu jirtaa inuu iskaga aamusnaado sidii looga bartay” ayuu yiri Axmed Karaash.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si adag ugu jawaabay ra’iisul wasaare Xamse appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this