Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudi Carabiya iyo Syria oo dib u soo celiyay xiriirkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ayaa Talaadadii xaqiijiyey dib ugu soo laabashadiisa xeendaabka Carabta kadib markii dalka awoodda badan ee Sacuudi Carabiya oo muddo diidanaa uu sheegay inuu dib ula billaabayo xiriir diblomaasi.

Soo-celinta xiriirka diblomaasi, oo markii dambe ay xaqiijisay Dimishiq, ayaa yimid in ka badan 10 sano kadib markii Riyadh ay wakiiladeeda la baxday intii uu socday dagaalka sokeeye ee Syria, iyo laba maalin kadib markii ururka Jaamacadda Carabta uu soo geba-gebeeyey sideed sano hakad ay ku jirtay xubinnimada Syria.

Assad ayaa siyaasad ahaan ka go’doonsanaa gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Syria, balse dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo dhowr ah ayaa socday toddobaadyadii tegay.

Go’aankan ayaa yimid toddobaadyo kadib markii ay xiriirka diblomaasi soo celiyeen Iran oo xulufo la ah Syria iyo Sacuudi Carabiya.

PUNTLAND POST

The post Sacuudi Carabiya iyo Syria oo dib u soo celiyay xiriirkooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this