Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsanaa Somaliland oo gaadiid dagaal ula goostay SSC-khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1683700632906.jpg?resize=720%2C40

Guddoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sool u qaabilsanaa Somaliland mudane Daahir Maxamed Axmed ayaa sida la xaqiijinayo gaadiid dagaal kala goostay Taliska Muuse Biixi.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Daahir uu saaka oo Arbaco ah ka goostay Somaliland islamarkaana ku biiray maamulka SSC-Khaatumo.

Mas’uulkan oo la dareen noqday dadkiisa ayaa gebi ahaanba isaga baxay Somaliland waxaana la sheegay uu iska casilay xilkii Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool.

Mudane Daahir Maxamed Axmed ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah Warbaahinta ula hadlo oo uu shaaciyo in uu ka baxay Taliska Muuse Biixi ee ku soo duulay Gobollada SSC-Khaatumo.

PUNTLAND POST

The post Mas’uul ka tirsanaa Somaliland oo gaadiid dagaal ula goostay SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this