Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedka munaasabad ka dhacday Xalane oo ay ka qeyb-galeen DF iyo wakiilada caalamiga

Recommended Posts

Deeq A.   
345587275_1451210649032328_8942968397445

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayaa ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan Maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub oo ka dhacday gudaha xarunta Xalane.

Mudane Xamza ayaa Midowga Yurub ugu hambalyeeyey maalintan taariikhiga ah ee muujinaysa qiimaha ay leedahay iskaashiga dalalka, daris-wanaagga iyo wax-wada qabsiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tusaale u yahay ururrada iskaashi iyo goboleed ee caalamka intiisa kale, maadaama ay dhabbaha u xaareen walaalnimo iyo wada-nolaasho shucuubta qaaraddaas, awood maamul iyo mid dhaqaalena ay ku heleen midnimadooda, taas oo waxtarkeedu uu gaaray dalal badan oo soo kobcaya oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

“Waxaana ka mahadnaqayaa fursaddan aan u helay in aan bogaadiyo taageerada hagar la’aaneed ee Midowga Yurub ku bixiyo horumarka iyo baraaraha Soomaaliya. Taageerada Midowga Yurub ee dhanka amniga, caafimaadka, waxbarashada, dowladnimada, arrimaha gargaarka IWM, ayaa ah mid loo aayey,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisu Wasaaraha ayaa xusay in qorshaha-wadashaqeyneed ee labada sano ee socota ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay dhawaan kala saxiixdeen uu ka tarjumaya mudnaanta ay xukuumaddiisu siinayso xiriirka labada dhinac iyo sida ay muhiimka u tahay in marxaladdan la xoojiyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Taageeradiinnu waxay mahuraan u tahay dhismaha nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo dhanka kale ka qaybqaadaneysa kobaca iyo horumarka dalka. Dowladdeyda waxaa ka go’an dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamartkaana kulansaday karti iyo hufnaan”.

Midwoga Yurub ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ka qeyb-galka munaasabaddooda sannadlaha ah, waxayna soo dhoweeyeen geeddi-socodka wadas-haqaynta ee dhawaan la isla ansixiyay.

Waxay ku bogaadiyeen dowladda federaalka Soomaaliya dadaalka dhabta ah iyo horukaca ay ku tillaabsatay, gaar ahaan xoreynta dalka, nabaddaynta iyo horumarinta.

345635104_1308557920093936_4261948517904 345587275_1451210649032328_8942968397445 346070633_934729151187583_91742928076219 345891831_914689553088574_65353405821961 345593750_254478523752199_89820608045417 345879053_556179593354387_27922353085468 345880134_286205090403622_10778975931620 345894956_989922248670410_61256605122893

The post Ujeedka munaasabad ka dhacday Xalane oo ay ka qeyb-galeen DF iyo wakiilada caalamiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this