Sign in to follow this  
Deeq A.

Israel oo duqayn xooggan saaka ku qaaday Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Israel ayaa saaka duqeyn oo xooggan oo ka dhan ah kooxda Islamic Jihad ku qaaday Marinka Gaza, waxaa sidaas ku dhowaaqay militarigeeda, ayada oo wasaaradda caafimaadka maamulka Xamza ee Gaza ay sheegtay in 12 qof lagu dilay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in haween iyo caruur ay ka mid ahaayeen dadka dhintay, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan aqoonsiga dhibbanayaasha.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay beegsadeen saddex hoggaamiye oo ka tirsan Islamic Jihad, oo ah koox ay u aragto argagixiso.

Bayaan ay soo saareen ayey saddexda hoggaamiye ee la beegsaday ku sheegeen Jihad Ghannam iyo Khalil Al-Bahtani oo lagu beegsaday Marinka Gaza iyo Tareq Ezzdine oo lagu weeraray Daanta Galbeed.

Islamic Jihad ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah saraakiisheeda sare la dilay, ayada oo bayaan ay soo saartay magacyadooda ku sheegtay Jihad Ghannam, oo ahaa xoghayaha golaha militariga ee guutada Al-Quds, iyo Khalil al-Bahtini oo taliye sare ka ahaa garabka militari.

PUNTLAND POST

The post Israel oo duqayn xooggan saaka ku qaaday Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this