Deeq A. Posted May 9, 2023 Axmed Madoobe oo la taagan Wasiirka Maaliyadda Itoobiya (bidix) iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (midig). Muqdisho (Wararka PP) — Sanadguurada kowaad ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay ku soo beegmaysaa xilli dowladda Itoobiya heshiis gaar ah la yeelatay maamulka Jubaland. Heshiiskan waxaa ka horreeyay heshiiskii amni ay Itoobiya la yeelatay maamulka Koonfur Galbeed sanadkii hore. Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, oo ciidammadoodu marka ay doonaan soo geli karaan Soomaaliya iyagoo ku doodaya inay is difaacayaan Soomaaliya oo amniga dalkeeda aan sugi karin awgeed, waxay leeyihiin ujeeddooyin istaraajiyadeed ku qotoma fahamkooda waayaha siyaasadda Soomaalida maanta — waxay u arkaan in dhaawac aan ka soo kabasho lahayn uu gaaray qarannimada Soomaaliyeed 1991kii, burburkii dowladdii dhexe kaddib. Bishii Diseembar 2022kii waxay dowladda federaalka Soomaaliyeed oggolaatay in iskaashi amni uu dhexmaro maamulka Somaliland iyo Maraykanka, hindisahaas oo ay dowladda Maraykanku ka noqotay kaddib markii dagaalka Laascaanood muujiyay in maamulka Somaliland halis ku yahay hawlaha la dagaallanka argagixisada. Soddon sano ka hor Koonfurta Soomaaliya waxaa ku sugnaa ciidammo ajnabi ah oo wax ka qabanayay macaluushii aan dabiiciga ahayn ee 1992kii. Sahan, hay’ad colaad-ka-macaash ah (conflict entrepreneur) ayaa ku tilmaantay heshiiska Jubaland iyo Itoobiya mid Kenya ay hore u ogeyd lana dhacsan tahay. Qeyb ka mid ah warbixinta Sahan. Heshiiska Jubaland iyo Itoobiya dhexmaray wuxuu awood badan siinaysa Axmed Madoobe oo diiddan qorsheyaasha ay dowladda federaalku ku doonaysay inay xukun militari oo ku meelgaar ah ka hirgeliso meelaha Al-Shabaab laga qabsado ee Jubbooyinka si shir Madaxtooyada Soomaaliya u aragto dib u heshiisiin uga abaabusho Buu’aale. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam wuu ka soo horjeestay qorshaha dowladda federaalka. Wuxuu ku dooday in dowladda Jubaland loo dhaafo maamulka degmooyinka laga xoreyn doono Al-Shabaab. “Inta Soomaaliya ay ku tiirsan tahay ciidammo shisheeye oo joogitaankoodu lagu sababeeyo in Soomaaliya aysan ilaalin karin amniga dalkeeda, dowladda federaalku waxay fududeynaysaa in maamullada Soomaaliyeed la saxiixdaan dalalka deriska ah heshiisyo ilaalin ah oo u dhigma kuwii gumeystayaashii reer Yurub la saxiixan jireen beelaha Afrikaanka ah waayo dowladda Soomaaliyeed ayay ciidammo shisheeye ilaaliyaan” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan. © Puntland Post, 2023 The post Soomaaliya oo cagta saaraysa waddadii maxmiyadaha appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites