General Duke Posted November 4, 2006 Maxkamadaha oo gogol dib u heshiisiin ka furaya Muqdisho Mogadishu 04, Nov.06 ( Sh.M.Network) Golaha Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa sheegay in gogol nabadeed oo ay isugu imaanayaan dhinacyada dowladda iyo Maxkamadaha islaamka Somalia ay ka furayaan magaalada Muqdisho, xilli ay burbureen wada hadaladii nabadda ee magaalada Khartoum. Shir Jaraa'id uu shalay ku qabtey magaalada Muqdisho Madax waaxda dacwada iyo warfaafinta golaha maxkamadaha islaamka Somalia ayuu ugu baaqay inta samaha jecel ee dooneysa samata bixinta umadda Soomaaliyeed in ay ka soo qeybgalaan kulan nabadeed oo lagu dhameynayo khilaafka ka dhex aloolsan dowladda KMG ah iyo golaha maxkamadaha, kaasoo lagu qabanayo magaalada Muqdisho. Muudee oo ka jawaabayay sida ay suurto gal ku tahay in dowladda ay ka aqbasho baaq ay u jeediyeen ayaa waxa uu sheegay in gogoshaasi ay dhigayaan caasimadda, hadii ay diidaana Madaxda dowladda ay la heshiinayaan xildhibaanada iyo xubnaha kale ee dowladda. Iyadoo arimnkaasi uu ka soo yeeray Maxkamadaha islaamka somalia ayaa dhinaca kale shalay shir jaraa'id uu ku qabtey magaalada Nairobi Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu ka sheegay in uu imaanayo magaalada Muqdisho si uu u baajiyo dagaal dhiig badan ku daata oo dhex mara dowladda iyo Maxkamadaha islaamka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 4, 2006 Shir Jaraa'id uu shalay ku qabtey magaalada Muqdisho Madax waaxda dacwada iyo warfaafinta golaha maxkamadaha islaamka Somalia ayuu ugu baaqay inta samaha jecel ee dooneysa samata bixinta umadda Soomaaliyeed in ay ka soo qeybgalaan kulan nabadeed oo lagu dhameynayo khilaafka ka dhex aloolsan dowladda KMG ah iyo golaha maxkamadaha, kaasoo lagu qabanayo magaalada Muqdisho. The TFG they say has no power, that they declared a Jihad on and now they want a peace talks in the 24th hour? Quote Share this post Link to post Share on other sites