Sign in to follow this  
Deeq A.

Istaahil: Waxaa nala dhihi jiray haddaad gudniin ka hadasho ma jirto nin ku guursanaya

Recommended Posts

Deeq A.   
Snapshot_10.jpeg?fit=1920%2C1080&ssl=1

Amsterdam (Caasimada Online) – Istaahil Cabdullaahi oo ka mid ah gabdhihii xulka Qaranka kubadda koleyga Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay hormuud u tahay olole ku saabsan ka hortagga gudniinka gabdhaha. 

Istaahil oo ku sugan dalka Netherland, waxey nasiib darro ku tilmaantay in weli wacyiga bulshadu uusan u bisleyn in fagaarayaasha lagaga doodo dhibaatada caafimaad ee ku imaaneysa gabadhaha la gudo. 

“Gudniinka waxaan u aragnay wax aan laga hadlin, oo haddii aan ka hadalno wuxuu noqday muwduuc [Taboo] ah. Qofkii ka hadlana waxaa la leeyahay waxaasi waa sheeko dumar” Ayeey tiri Istaahil oo wareysi siisay Somali Nederland TV [Youtube]. 

Istaahil mar ay ka hadleysay doorka aabayaashu ka qaadan karaan joojinta gudniinka gabdhaha waxay tiri: 

“Waan jeclaan lahaa inaan ogaado in raggu ay mowduucaan isku soo qaadaan, waxaan rabi lahaa inaan ragga weydiiyo haddeey gabar ku tiraah; xanuun ayaa I haya maxaad sameynee.?”    

 HALKAN KA DHAGEYSO VIDEO-GII OO DHAMMEYSTIRAN 

The post Istaahil: Waxaa nala dhihi jiray haddaad gudniin ka hadasho ma jirto nin ku guursanaya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this