Sky Posted March 15, 2005 Wasiirada Difaca IGAD oo Soo Jeediyeey in 10,000 oo Ciidan ah Loo Diro Soomaaliya Ciidamadaas oo loo aqoon doono "IGASOM" Wasiirada Difaaca toddoba dal oo kamid ah IGAD ayaa Shalay soo jeediyey in Soomaaliya loo diro 10,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah, ciidamadaas oo ay yiraahdeen waa in Soomaaliya la geeyo Bisha April 30keeda. Wasiirka Difaaca dalka Yugaandha, Major Shaban Bantariza, ayaa warbaahinta Shiinaha waxa uu u sheegay in go'aankaas shalay oo Isniin ah lagu gaarey Entebbe oo 40 km koonfur kaga aadan Kampala. Waxana uu sheegay in ciidamadaas loo aqoon doono IGASOM [iGADPeace Support Mission for Somalia], waxayna Soomaaliya joogi doonaan sagaal bilood iyo ka badan. Madaxweynaha Ugandha waxa uu Isniintii sheegay in ciidamdaas Soomaaliya loo diri doono xataa haddii ay diidaan qabqablayaasha dagaalku, waa sida warku u dhegaye. ISHA: Warbaahinta Shiinaha.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sky Posted March 15, 2005 say what? is that distinct ceel buur accent or somethin? Quote Share this post Link to post Share on other sites