Sign in to follow this  
General Duke

Gedo, its war again.

Recommended Posts

Xiisada Gedo oo laga hadley

18 Aug 18, 2009 - 7:19:23 AM

 

Maamulka Al-shabaab ee degmada Kismaayo ayaa sheegay inay weerar ku yihiin degmada Buuloxaawo ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay gacanta ku hayso Ahlusuna oo gacan ku haynta degmadaas la wareegtay shalay.

 

Afhayeenka maamulkan Sheekh Xasan Yacquub Cali ahna madaxa wafaafinta ayaa shir jaraa'id oo uu maanta u qabtay saxaafada Kismayo ku sheegay inay ciidamo iyo gaadiid dagaal u direen Gobolka Gedo.

 

"Degmada Buuloxaawo waxaa qabsaday cadow ka yimid dhanka Ethiopia iyo kuwo la socda, waxaana isku farasaari doonaan gudaha degmada Buuloxaawo saacadaha soo socda" ayuu si ay hanjabaadi ku jirto u yiri Sh. Xasan Yacquub.

 

Mas'uulkan, wuxuu sheegay in xasiloonidii magaaladu ay luntay lana gubay calankii Madoobaa ee ay halkaas ka taageen, isagoo xusay in haweenka loo diiday inay qaataan Xijaabka iyo Indhoshareerka.

 

"Ciidamo fara badan iyo gaadiid dagaal ayaan u dirnay Gobolka Gedo, waxaana diyaar u nahay inaan nafteena u hurno difaaca shacabka ku nool deegaanada aan maamulno" ayuu yiri Madaxa wafaafinta maamulka Kismaayo.

 

Col. Barre Hiiraale oo [Aug 2008] ay Al-shabaab iyo xoogag kale oo Islaamiyiin ah ay awood uga saareen ayaa sheegay inuu dib ugu laabanayo Kismaayo, isagoo sheegay inuu dagaal ku qabsan doono.

 

Xiisado colaadeed ayaa laga dareemayaa maanta degmooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq oo kawada tirsan Gobolka Gedo, ayna gacanta ku hayaan xoogaga Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo ay ka dhexeyso gaashaanbuureysi.

 

Dhanka kale, Degmada Buuloxaawo ee Gobolka Gedo ayaa xalay lagu soo rogay bandow, iyadoo madaxa amaanka ee ay Ahlusuna u magacaabeen Sh. C/rashiid Khaliif uu sheegay in xaaladu ay dagan tahay maanta.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this