Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Beledweyne + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
345884223_225376146787381_84593836960171

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoon diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, iyo ku-xigeennadiisa, maamulada degmooyinka Beledweyne, Maxaas, Farlibaax, Feerfeer iyo Matabaan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa, saraakiisha hay’adaha amniga, saaraakiisha ciidamada Hiil-walaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahad-celiyay masuuliyiinta iyo bulshadii kusoo dhoweeysay magaalada Beledweyne, isaga oo ku bogadiyay guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Guudlaawe ayaa sidoo kale waxa uu adkeeyay in la dardar-galin doono wejiga 2aad ee howl-galada, kaasi oo si hordhac ah uga billowday deegaanada maamulkaasi, ayada oo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Shabaab-ka.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa magaalada Beledweyne u tegay dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo khilaafkii dhawaan soo dhex-galay maamulkiisa iyo kan gobolka.

Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Si kastaba, Waxaa socda diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, iyada oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ciidamadu ka joogaan dalka, kuwaasi oo la howl-gali doona ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee guulaha wax ku oolka ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka.

345884223_225376146787381_84593836960171
345265900_1004895877053874_5560939562623
345290872_277335671391039_36511561292587
345622378_656056096348234_56335336781357
345578806_1308770599717832_3035260538214
345878201_583206783610400_62338719212676
345590237_743788407533701_70267555012037
345575134_790457519317592_17378709865139
345426366_606932054709190_38321016524794

The post Sawirro: Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Beledweyne + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this