Sign in to follow this  
Deeq A.

Sullivan iyo Maxamed bin Salmaan oo ka wada hadlay xiisada Mareykanka iyo Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa habeenkii Axaddii la kulmay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, xilli ay xiisad u dhaxeyso Aqalka Cad iyo Boqortooyada.

W akaaladda Wararka Dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in kulanka Jake Sullivan iyo Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan uu ka dhacay magaalada Jeddah.

Warbixinta SPA ayaa lagu sheegay kaliya in labada nin ay dib u eegis ku sameeyeen “xiriirada istaraatiijigga ah” ayada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo Mareykan ah.

Goor dambe, Sullivan ayaa ka qeyb-galay kulan dhex-maray dhaxal-sugaha, la-taliyaha amniga qaranka India Ajit Doval iyo la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Sheikh Tahnoon bin Zayed Al Nahyan.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu xaqiijiyey kulanka, ayada oo lagu sheegay in ujeedka uu ahaa sare u qaadidda “aragtida ay wadaagaan ee Bariga Dhexe oo noqda gobol barwaaqo iyo ammaan ah kuna xiran India iyo dunida inteed kale.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this