Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Weerar Al-Shabaab u maleegaysay goob ku taal Muqdisho oo la fashiliyay

Recommended Posts

Deeq A.   
345432120_793106992200827_54447653144716

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka hay’adda NISA ayaa fashiliyay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidammada ay gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howl-galkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

Dhaq-dhaqaaqa shabakadan ee diyaarinta weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay la socotay hay’adda NISA, taasi oo ugu dambayntii keentay in sirdoonka qaranka uu maanta si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay kooxda Al-Shabaab damacsanaayeen.

“Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Dowladda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib-tiriyo kooxda Al-Shabaab iyo ficiladooda, iyada oo uga mahad-celisay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, ciidamada amniga caasimadda ayaa muddooyinkii dambe ku guulaystay inay hoos u dhigaan falalkii kooxda Al-Shabaab ay ka geysan jirtay magaalada Muqdisho, xili uu guluf dagaal oo xooggan uu kooxda uga socdo qaar kamid ah gobollada dalka.

345889643_2281376272051721_8557227099286 345449236_960591491641802_25225624185736 345894136_958611158501919_29882337780036 346030839_621830123179252_57366885939061 345432120_793106992200827_54447653144716

The post DEG DEG: Weerar Al-Shabaab u maleegaysay goob ku taal Muqdisho oo la fashiliyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this