Sign in to follow this  
Deeq A.

Jake Sullivan iyo Maxamed bin Salmaan oo ku kulmay magaalada Jeddah

Recommended Posts

Deeq A.   

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa habeenkii Axaddii la kulmay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, xilli ay xiisad u dhaxeyso Aqalka Cad iyo Boqortooyada.

Wakaaladda Wararka Dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in kulanka Jake Sullivan iyo Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan uu ka dhacay magaalada Jeddah.

Warbixinta SPA ayaa lagu sheegay keliya in labada nin ay dib u eegis ku sameeyeen “xiriirada istaraatiijiga ah” ayada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo Mareykan ah.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu xaqiijiyey kulanka, ayada oo lagu sheegay in ujeedka uu ahaa sare u qaadidda aragtida ay wadaagaan ee Bariga Dhexe oo noqda gobol barwaaqo iyo ammaan ah kuna xiran India iyo dunida inteed kale.

PUNTLAND POST

The post Jake Sullivan iyo Maxamed bin Salmaan oo ku kulmay magaalada Jeddah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this